|
"Maktabadda guud oo ah albaabka kuugu dhow ee aqoonta, waxay aasaas u tahay waxbarashada qofka cimrigiisa oo dhan iyo inuu si madaxbanaani leh go'aan u gaaro iyo weliba horumarka dhaqanka ee qofka shakhsiga ah iyo kan bulshadaba"
UNESCO, Maktabadaha guud baaqoodda ee1994
Ku soo dhawow maktabadda! Maktabadaha guud dadka oo dhan way u furan yihiin isticimaalkooduna waa lacag la'aan. Degmo walba oo Finland ah waxaa ku taal maktabad guud oo la tago si loogu akhristo joornaallada iyo buuggaagta. Sidoo kale maktabadda alaabteeda waa ammaahan karaa, tusaale ahaan buugaagta, cajalladaha cd -ga ama cajalladaha fiidyowga. Maktabadda waxaaa yaalla alaab ku qoran luuqadaha waddankan iyo luuqadaha waddamada kaleba.
Akhrintu waa farxad!
Makdabaddu waxay aqoon iyo madodaaloba siisaa dadka waaweyn iyo carruurtaba. Maktabadda waxaad ka heleysaa aqoon ku saabsan bulshada waddankan Finland iyo aqoon ku saabsan waddankaaga iyo dhaqankaagaba. In aanay luuqaddaada hooyo kaa lumin waa muhiim, akhriska ayaadna ku daryeeli kartaa. Maktabadda waxaad ka heli kartaa waxyaabo aad akhrisato oo afkaaga hooyo ku qoran. Markaad carruurtaada kor wax ugu akhrididna waxaad ku daryeelaysaa aqoonta luuqaddooda hooyo.
Maktabadda waxaa laga helaa buugaag cilmi ah iyo buugaag sheekooyin aan dhab ahayn ku qoran yihiin, sida buugaagta sheekooyinka dhaadheer, gabayo iyo buugaag sawiro ah. Sidoo kale maktabadda waxaa yaalla wargeysyo, joornaallada wakhtiilayaalka ah, buugaagta koorsooyinka luuqadaha laga barto, muusig, filimo, qoraallo gaagaaban oo wax laga hadlayo(esitteet), iyo daabacaado kale oo wargelimo ah. Maktabaddo badan waxaa yaalla kombiyuutarro loogu talagalay inay dadku isticimaallaan. Iyadoo kombiyuutaradda la isticimaalayo ayaa wixii aqoon ah lagala soo bixi karaa Internetka, waxaad isticimaalki kartaa e-mail-ka iyo meelaha kale ee xambaarsan macluumaadka mishiinka ku jira (tietokanta).
Maktabadda la wada leeyahay
Waddanka Finland maktabadaha aad ayaa loo jecel yahay. Maktabadaha degmooyinka ayaa iska leh, lacagta cashuurta ah ee dadka laga qaado ayeyna ku shaqeeyaan. Sannad walba lacag caawimo ah oo loogu talagalay fulinta hawlaha maktabadaha ayey dowladdu ku taageertaa maktabadaha degmooyinka. Maktabadaha guud mooyee, waxaa kaloo Finland ku yaalla maktabaddo badan oo kuwa cilmiga ah. Maktabadaha cilmiga ah waxaa gaar ahaan loogu talagalay inay u adeeggaan cilmibaarayaasha iyo ardayda, laakiin dadka kalena way isticimaali karaan.
Nidaamka waxqabadka ee maktabadda waxaa ka mid ah sinnaan, helitaanka fikrad madaxbanaan iyo soo bandhigidda aragtiyada kala duduwan. Taas ayaanna sabab u ah inay maktabadda yaallaa buugaag iyo qoraallo soo bandhigaya fikraddo kala duduwan oo ku saabsan siyaasadda, diimaha iyo aragtiyo waxyaabo kala duwan ku jihaysan.
Sidee maktabadda loo isticimaalaa
Maktabaduhu waxay leedahay xeerar ku saabsan isticimaalkeeda, xeerarka waxaa laga helaa maktabadda. Xeerarku waxay sheegayaan waxyaabaha ugu muhiimsan ee la xiriira isticimaalka maktabadda. Akhriso xeerarka isticimaalka ee maktabadaada!
Maktabadaha waxaa ka shaqeeya dad aqoonyahanno ah oo cilmiga maktabadaha soo bartay, shaqaalaha hawshoodu waa inay ka jawaabaan su'aalaha dadka macaamiisha ah, ayna ka caawiyaan waxyaabaha aqoonta ah ee ay raadinayaa.
Wax ku akhrisashada maktabadda
Qof kasta oo rabaa wuu tegi karaa maktabadda oo buugaag ama joornaallo ayuu ku akhrisan karaa ama su'aalaha uu rabo inuu ogaado ayuu jawaabtooda ka raadsan karaa. Xasuuso inaadan keligaa maktabadda joogin. U ogolow dadka kale inay waxooda si deggenaansho leh u akhristaan.
Wax ka deynsashada maktabadda
Inta badan buugaagta iyo waxyaabaha kaleba guriga waa loo deynsan karaa. Hase ahaatee qaamuusyada waaweyn ee cilmiga iyo jornaallada sida caadiga ah maktabadda ayaa lagu akhristaa.
Si aad wax u deynsatid waxaad u baahan tahay kaadhka maktabadda. Kaadhkana waxaa heli kara qof walba oo Finland deggan, haddii uu aqoonsi caddayn ah dhiibto. Carruurta laftooda waa la siinayaa kaadhka maktabadda, haddii waalidka ama qof kale oo qaangaar ahi bixiyo ogolaansho qoraal ah. Kaadhka maktabadda waa in shaqaalaha la tusaa mar walba oo maktabadda wax laga deynsanayo.
Kaadhka maktabaddu waxaa loo leeyahay shakhsi ahaan. Dadka kale looma ogola inay isticimaalaan. Qofka kaadhka iska leh ayaa masuul ka ah dhammaan waxyaabaha kaadhka lagu deynsaday. Si fiican kaadhkaaga uga taxader! Si aad uga hortagto in khalad loo isticimaalo, maktabadda markiiba u soo sheeg, haddii kaadhku kaa lumo.
Wakhtiga deynka
Kaadhka maktabadda waa in shaqaalaha la tusaa mar walba oo maktabadda wax laga deynsanayo. Wakhtiga deynka lala maqnaan karaa caadiyan waa 4 toddobaad, laakiinse cajalladaha fiidyowga iyo alaabta muusiga wakhtiga lala maqnaanayaa intaa wuu ka yaraan karaa. Ka fiiri risiidhka ay ku qoran tahay maalinta ugu dambaysa ee ay tahay inaad soo celiso alaabta aad deynsatay. Haddii alaabta soo celinteeda la soo daahdid maktabaddu waxay kaa qaadaysaa lacagta la soo daahidda.
Maktabaduhu waa hanti dadka oo dhan ka dhaxaysa
Waxyaabaha maktabadaha yaallaa dadka oo dhan ayey ka dhexeeyaan. Si fiican u daryeel waxyaabaha aad maktabadda ka deynsato, nadaafadoodana ilaali. Qofka kugu xiga ee deynsadaa wuxuu rabaa inuu buug nadiif ah akhristo. Waxyaabaha aad deynsatay wakhti fiican ku soo celi si dadka kale ee deysanyaa ay u helaan. Haddii wax kaadhkaaga lagu deynsaday ay lumaan ama halaabaan, magdhowgooda ayaad bixinaysaa.
Maktabadda ajnebiga
Maktabadaha waxaa laga helaa waxyaabo ku qoran luuqadaha waddankan iyo luuqadaha ajnebiga ahba. Hase ahaatee waxyaabaha maktabadaha laga helaa ee degmooyinku waa ay kala duduwan yihiin, waxayna ku xiran yihiin tirada dadka degmada deggan iyo xaaladda luuqadaha lagaga hadlo. Maktabadaha waaweyn waxyaabaha laga helaa wey badan yihiin.
Haddii maktabadda kuugu dhow aanay oollin buugaag luuqadaada ku qoran ama buugta taalla ay yar yihiin, shaqaalaha weydiiso inay ku caawiyaan. Maktabaddu waxay isku deyeysaa inay waxyaabaha aad dalbatay kaaga keento maktabadaha waaweyn ama Maktabadda ajnebiga.
Maktabadda ajnebigu waxay ku taallaa maktabadda magaalada Helsinki, dowladda ayaana maalgelisa. Maktabadda ajnebigu waxay keensataa buugaag, muusig iyo cajallado fiidyow, haddii la soo weydiistana waxay u dirtaa maktabadaha kale ee waddanka. Maktabadaha kale ee waddanka oo dhan way isticimaali karaan waaxda luuqadaha ajnebiga ee maktabada magaalada Helsinki , iyagoo alaabta taalla ka deynsanaya. Maktabadaada weydii wixii faahfaahin ah.
Waxyaabaha yaalla maktabadda magaalada Helsinki iyo Maktabadda ajnebiga waxaa lag a helaan Internetka macluumaadka xambaarsan ee (HelMet-tietokanta). Cinwaankiisuna waa: www.helmet.fi
Bangiga wararka boggagiisa waxaa ku qoran macluumaad aasaasi ah oo muhiim u ah dadka waddanka u soo guurey, macluumaadku wuxuu ku saabsan yahay habka ay bulshadan u shaqayso iyo fursadaha Finland ka jira. http://www.infopankki.fi/pl-PL/home/
|